Somali News

Hir-Shabeelle oo Tababar u furtay Booliis cusub

Jowhar-KNN-Waxaa magaalada Jowhar ka socota munaasabadda furitaanka Dufcadii labaad ee Ciidanka Booliiska gaarka u ah maamulka Hir-Shabeelle oo gaaraya 200 oo Askari.

Taba barka Ciidamadaas ka mid noqonaya Booliiska Hir-Shabeelle ayaa ka furmay Dugsiga Tababarada Booliska maamulkaas oo ku dhow Garoonka diyaaradaha ee magaalada Jowhar, Mas’uuliyiinta ka qeyb galeysa munaasabadda ayaa waxaa ka mid ah Maxadweyne ku-xigeenka maamulka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo masuuliyiin kale.

Ciidamadaan maanta loo furayo Tababarka oo ka mid noqonaya Booliiska maamulka Hir-Shabeelle ayaa laga kala keenay degmooyinka gobolka Shabeelleda Dhexe iyo gobolka Hiiraan oo maamulka Hir-Shabeelle uu ka arimiyo.

Dufcadii tan ka horeysay oo gaareysay 200 oo Askari ayaa bilowgii sanadkaan waxaa magaalada Jowhar Tababar mudo u socday ugu soo xiray Wasiirka Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Duc’aale.