Somali News

Hirshabelle oo ka hadashay ciidamada Danab ee tagay Jowhar

Maamulka Hirshabeelle ayaa soo dhaweeyay ururka 7 aad ee Kumaandooska Danab fadhiisin cusub ka sameystay magaaladda Jowhar.

Af-hayeen u hadlay maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu tilmaamay in ciidamada Danab ay yihiin kuwo loo baahnaa wax badan ka qaban doonaan arrimaha amniga Maamulka.

Waxaa uu sidoo kale beeniyay in ciidamadan ay u yimaadeen arrimo la xiriira doorashooyinka, balse u jeedkoodu yahay ka qeyb qaadashada sugida amniga deegaanada Hirshabeelle.

Hirshabeelle ayaa waxaa ka jira dhibaatooyin amni oo ay ka geystaan Al-Shabaab ku waasi oo isugu jira weerarada tooska ah iyo qaraxyada la la eegto Masuuliyiinta maamulkaasi ee ku safra wadada u dhaxeysa Muqdisho iyo Jowhar.