Somali News

Hogaamiyaha ruuxiga dalka Iiraan oo difaacay milatariga dalkiisa.

Hogaamiyaha ruuxiga ee Iiraan, Aayatullaah Cali Khamenei ayaa difaacay militariga dalkaas kaddib markii dhawaan xukuumadda Tehran ay qiratay in diyaaraddii rakaabka ee Ukraine aan si ula kac aheyn loo soo riday.

Wuxuu sheegay in ciidammadii Kacaanka ee ka dambeeyay musiibadaas ay ‘ilaalinayeen ammniga Iiraan’. Aayatullah ayaa maanta salaadda jimcaha dadweyne ku tujiyay gudaha magaalada caasimadda ah ee Tehran markii ugu horreysay muddo siddeed sanno ah. “Malaayin Iraaniyiin ah iyo kumanaan Ciraaqiyiin ah ayaa u baroordiiqay dilkii Janaraal Suleymaan” ayuu yiri Aayatullaah Cali Khamenei.

Hadalka hogaamiyah sare ee Iiraan ayaa kusoo beegmay xili dalkaasi ay ka dhaceen dibad baxyo lagu dalbanayo in uu xilka ka dago.