Somali News

Hogaamiyihii Daacish ee Afgaanistaan oo weerar cirkaa lagu dilay

Hogaamiyihii Daacish ee Afgaanistaan ayaa weerar cirkaa lagu dilay sabtidii sida aay sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Abuu Sacad Irhaabi iyo 10 xubnood oo kale ayaa la sheegay in ay dhinteen ka dib howlgallo laga sameeyay gobolka dhaca bariga ee Nangarhar ee u dhaw xadka Pakistan iyo afgaanistan ay wadaagaan.

Waxaa uu noqonayaa hogaamiyihii afaraad ee kasoo jeeda afgaanistaan ee sanadlkan la dilo.

IS ayaa afgaanistan dhaq dhaqaaq ku leh tan iyo sanadkii 2014-kii, waxa aayna sheegteen weeraro aay dad badan ku dhinteen.