Somali News

Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka oo ku geeriyooday xabsi ku yaalla dalkaasi

Hoggaamiyihii Mucaaradka Ruushka, Alexei Navalny ayaa ku geeriyooday xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Moscow ee caasimadad Ruushka.

Geerida Hoggaamiyaha waxaa xaqiijiyay Mas’uuliyiinta dowladda Ruushka, iyaga oo tilmaamay in u uku geeriyooday gudaha Xabsiga.

Ninkaan ayaa kamid ahaa xubnaha mucaaradka ee sida aadka u diidana siyaasadda madaxaweynaha Ruushka Vladimir Putin.

Xabsi gaar ah ayu uku xirnaa tan iyo 2021.

Weli lama sheegin sabbata dhimashadiisa, balse mas’uuliyiinta xabsiga ay sheegeen in uu uu manta miyir daboolmay, isla markaasna isbitaalka la dhigay uu ku geeriyooday.