Somali News

Howlgal lagu dilay xubno Al-shabaab ah oo ka dhacay gobolka Baay

Ciidanka Nabad Sugida Iyo Kuwa deegaanka oo iskaashanaya ayaa burburiyay Saldhig ay dagaalameyaasha Al-shabaab ku lahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ee gobolka Baay.

Ciidanka Sirdoonka iyo nabad sugida Qaranka iyo kuwa Deeganka ayaa howlgalkaan ku dilay 9 xubnood oo la tirsanaa Al-shabaab.

Sidoo kale Ciidanka ayaa ku soo furtay hawlgalka 7 qori oo AK 47 ah,hal qori oo BKM iyo Sanduuqyo Rasaas ah.