Somali News

Howlgal wada jir ah oo ay ciidamo ka fuliyeen Gobolka Baay

Howlgal wadajir ah oo ay iska kaashanayen Ciidanka Xoogga dalka iyo kuwa Daraawiishta MG Koofur Galbeed waxay ka fuliyeen deegaano ka tirsan gobolka Baay, kaas oo ka dhan ahaa Ururka Al-shabaab.

Saraakiisha ciidanka howlgalka sameeyay ayaa sheegay in howlgalka ay si gaar ah uga sameeyen deegaano hoostaga degmada Bardaale ee Gobolka Baay, iyagoo tilmaamay in howlgalka ay ku burburiyen saldhig at Al-shabaab ku lahaayen degmadaas.

Sidoo kale, waxay sheegeen in halkaas ay ku dileen xubno badan oo ka tirsanaa Ururka Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska caabin markii hore ay kala kulmeyn, balse markii dambe ay kala firxadeen.

Ugu dambeyn, Saraakiisha qaarkood oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay in howlgalkaas ay Al-Shabaab uga dileen xubno badan, sidoo kalena uga qabsadeen degaanadii ay ku weerareen, kana furteen hub badan.