Somali News

Howlgalka AFRICOM oo ka hadlay duqeyn ka dhacday Galgaduud

Afhayeen u hadashay Taliska ciidamada Maraykanka ee Afrika ee loo yaqaano AFRICOM, Major Jessica Tait,  ayaa sheegtay in ay  Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ka caawiyeen weerar duqeyn oo ka dhacay deegaanka Ceel-la-helay oo ka tirsan gobolka Galgaduud, kaasi oo ay ku geeriyoodeen dad rayid ah.

Afhayeenka ayaa sheegay in ciidamada Maraykanku  aanay  ku sugneyn goobta ay ka dhacday duqeynta, balse ay ciidamada dowladda Soomaaliya ku caawinayeen dhica hagida.

“Maraykanku ma aanay fulinin wax hawlgal ah oo dhinaca cirka ah, intii uu socday ama mid lagu taageerayey hawlgalkanba. Sidoo kale ma jirin ciidamo Maraykankan ah oo la socday ciidamada Soomaaliya, xilligii ay fulinayeen hawlgalka oo lala beegsaday dagaalyahano sarsare oo ka tirsan ururka al-Shabab, oo ku sugnaa deegaanka Ceel-lahelay,” ayay ku tiri fariin dhinaca emailka ah, Major Jessica Tait.

Afhayeenka ayaa sheegtay in ay si hordhaca ah la og yahay in khasaaraha dadka shacabka gaarey ay yihiin dhimashada hal qof oo dumar ah iyo saddex caruur ah oo ku sugnaa goobta.

Sidoo kale, waxaa ay Afhayeenku tilmaamtay in  ka dib codsi ka yimid dawladda Soomaaliya, Taliska Ciidamada Afrika ee Maraykanku ay gurmad caafimad u fidiyeen laba caruur ah oo dhaawac ah, iyada oo midkood uu badbaaday.