Somali News

Howlgalka ATMIS oo ka hadlay wiil ay Askartooda ku dileen Muqdisho

War qoraal ah oo ka soo baxay Taliska guud ee howlgalka ATMIS ee Soomaaliya ayaa looga hadlay wiil dhalinyarro ah oo Kolonyo ka tirsan Ciidamadooda ku dileen isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho.

Qoraalka Ciidamada ATMIS ayaa waxaa lagu sheegay in wiilka dhalinyarrada oo kamid ahaa carruurta darbi-jiifka isku dayay in uu soo fuulo baabuur kamid ah Kolonyada, taasi oo keentay in ay askartu rasaas ku furan.

Howlgalka ATMIS ayaa qoraalkooda ku tilmaamay in ay baaritaan ku wadaan askarta la socotay Kolonyada Ciidamada, si loo caddeeyo dambiilaha.

Bannaanbax socday saacado kooban ayaa ka dhacay goobta uu dilka ka dhacay, kuwaasi oo isu badalay rabshado.