Somali News

Hubka Iiran ay siiso Xuutiyiinta Yemen oo la ogaaday in loo iib keeno Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Barnaamijka caalamiga ah ee dambiyada abaabulan, ayaa sheegay in ay heleen cadaymo la rumeysan karo oo sheegaya in Iran ay hub siiso mucaaradka ka dagaalamaya dalka Yemen, taas oo la sheegay in si yaabo sharci darro loogu soo gudbo qaaradda Afrika, gaar ahaan Soomaaliya.

Baarayaasha ilaalada waxay la xiriireen nin ganacsade ah oo Soomaali ah oo xaruntiisu tahay magaalada Sanca, kaasoo muddo toddobaadyo ah sharraxaad ka bixinayay hawlgalkiisa.

Xogta lasoo saaray  ayaa sheegaysaa in liis ay ka mid yihiin qoryaha AK-47, qoryaha darandooriga u dhaca, bambo gacmeed iyo rasaas noocyo kala duwan leh, in loo iib geeyo Soomaaliya, balse lama sheegin cidda laga iibiyay.

“Tani waxay muujineysaa jiritaanka shabakado tahriibiya hubka sharci darrada ah ee ka yimaada Iran, ee loogu talagalay Yemen inay ku sii jeedaan gudaha Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Dalka Soomaaliya ayaa waxaa la saaray cunaqabateyn dhanka hubka ah, taas oo la saaray sanadkii 1992-kii, hase yeeshee warbixinno kala duwan ayaa lagu sheegay marar badan, in Soomaaliya habab qarsoodi ah loo soo geliyo hub sharci darro ah.