Somali News

In ka badan 18 qof oo lagu dilay gobolka Daarfuur

Dhakhaatiir ku sugan dalka Suudaan ayaa sheegtay in ugu yaraan 18 qof lagu dilay, 50 qofna ay ku dhaawacmeen dagaal Galbeedka Gobolka daarfuur ku dhex maray beelo halkaasi wada daga.

Dagaalka ka socda meel u dhow magaalada Al-Janiinah oo bilaawday maalintii Sabtida.

Wararku waxay intaasi ku darayaan gaadiidka gurmadka degdegga oo siday dad dhaawac ah in la weeraray.

Gobolka Daarfuur waxaa ku yaalla xerooyin loogu tala galay dadka ka soo qaxay colaaddii lagu hoobtay ee soo billaabatay 2003.

Walina waxaa gobolka ka dhaca isku dhacyo salka ku haya helitaanka dhul iyo biyo.

Dowladda ku meelgaarka ah ee Khartoum waxay heshiis nabadeed la gashay kooxaha macaaradka ah ee ku sugan deegaannada ay colaadda ugu badan ka taagneyd oo ay ka mid tahay Daarfuur.