Somali News

Inkabadan 40 ruux oo ku geeriyootay shil diyaaradeed oo ka dhacay dalka Ruushka

Muqdisho-KNN-Inta laxaqiijiyay 41 ruux ayaa dhimatay kadib markii uu dab qabadsaday mid kamid ah diyaaradaha dalka Ruushka.

Muuqaal lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay rabaaka diyaarada oo kasoo baxsanaya diyaarada oo dab xoogan kakacaya.

Rakaabka diyaarada oo gaaraya 73 ruux ayaa waxaa shan kamid ah waxa ay ahaayeen  shaqaalihii diyaarada.

Rakaabka diyaarada ee shilkaasi ka badbaadayay ayaa lagu sheegay in ay gaarayaan 37 ruux oo 4 kamid ah ay yihiin shaqaalihii lasocday diyaarada.

Madaxwaynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa tacsi u diray ehelada dadkii ku dhintay shilka diyaaradeed.

Warbaahinta dalka Ruushka ayaa ku waramayso in ay socdaan baaritaano ku aadan waxa sababay shilkan diyaaradeed.