Somali News

Iran: “Cid kasta oo na soo weerarta cashar lama illaawaan ah ayaan u dhigeynaa”

Muqdisho-KNN-Sargaal sare oo ka tirsan ciidamada dalka Iran ayaa sheegay in cid kasta oo dhulkeeda dagaal ku soo qaadda ay diyaar u tahay iney burburiso.

Hadalka Iran ayaa ku soo beegmaya kaddib markii uu Mareykanku shaaca ka qaaday inuu ciidama caawiya Sacuudi Carabiya uu dirayo Bariga Dhexe.

Iran waxay diidday eedaha ay Mareykanka iyo Sacuudi Carabiya u soo jeediyeen ee ku saabsanaa in ay Iiraan ka dambeysay weerarradii lagu soo qaaday xaruumaha saliidda ee dalka Sacuudiga, “Aad u taxaddar oo hubso inaad wax khalad ah sameyn” ayuu yiri taliyaha guud ee ciidmada ilaalada kacaanka Iran.

Mas’uul sare oo ka tirsan boqortooyada sacuudiga wuxuu sheegay ‘Tallaabba kasta oo lagama maarmaan ah’ in la qaadayo marki uu soo idlaado baaritaanka weerarkaasi la xiriira.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Sacuudi Carabiya Adel al-Jubeir faahfaahin intaa dheer kama bixin tallaabbada uu sheegay in la qaadayo, balse wuxuu sheegay baaritaanka marka soo gabagabeeyo xogta baaritaanka la shaacin doono.

Fallaagada Xuutiyiinta oo ay Iran taageerto, ayaa sheegtay mas’uuliyadda weerarki 14-ka September dhacay ee lagu qaaday xaruumaha saliidda Sacuudiga.