Somali News

Iran oo iskaga baxaysa heshiiskii xakameynta Niyukleerka.

Muqdisho-KNN-Dowlada Iran ayaa sheegtay in ay iskaga baxayso heshiiskii xakamaynta hubka Niyukleerka kaas oo sanadkii 2015’kii lagaleen quwadaha caalamka. 

Madaxwaynaha dalka Iran Xassan Ruuxaani ayaa Tv’ga ee Iran u sheegay in haddii wadamada ku harsan heshiikii Niyukleerka aysan ka hortagin cunaqabateenta dowlada Mareykanka ay dhankooda iskaga baxyaan heshiiska.

Wadamada haatan ku harsan heshiiska ayaa waxa ay kala yihiin Britain, Faransiiska, Germalka, Shiinaha, iyo Ruushka.

Madaxwayna dalka Mareykanka Donald Trump ayaa iskaga baxay heshiiskii Niyukleerka oo ay quwadaha caalamku sanadkii 2015’kii lagaleen dalka Iran kadib markii uu heshiiskaasi ku tilmaamay Qatar halisteeda wadata.

Mareykanka ayaa sidookale dalka Iran saaray cunaqabateen isagoona dalalka kale ku amray in aanan Iran laga iibsan Saliida ay soo saarto.

Dalalka Shiinaha, Ruushka iyo Faransiiska ayaa dhamaantood cambaaray’yay go’aanka dowlada Mareykanka iyagoona sheegay in ay sii wadi doonaan lamacaamilidooda iran.