Somali News

Isbaheysiga Sacuudiga oo sheegey inay burburiyeen drone qarax siddey

Isbaheysiga uu hoggaamiyo Sacuudiga ee ka dagaalama dalka Yemen, ayaa sheegay in ciidankooda ay Axadda maanta ah, hawada Yemen ku dhex-burburiyeen dayaarad nooca aanan duuliyaha la socon oo ay saarraayeen walxaha qarxa, taasoo ay sheegeen in ay ku sii socotay Sacuudiga.

Afhayeenka xoogagga Isbaheysiga, Colonel Turki al-Malki, ayaa wakaaladda wararka Sacuudiga u sheegay in diyaaraddaasi drone-ka ay hagayeen kooxda Xuutiyiinta ee ay taageerto dowladda Iran, ujeedkuna ahaa in lagu weeraro gobolka Jazan ee koofurta Sacuudiga.

Weerarada Sacuudiga uga imanaya xadka Yemen ayaa xoogeystay tan iyo dhammaadkii May, markaas oo uu dhamaaday heshiis xabad joojin ahaa oo ay labada dhinac gaaareen sababo la xiriiray Coronavirus.

Khamiistii aanu kasoo gudubnay Sacuudigu wuxuu sheegay in ay nidaamkooda cirka uu burburiyay gantaal iyo diyaarad dorone ah oo xambaarsaneyd bambooyin taasoo ay ku eedeeyeen Xuutiyiintu in ay kusoo weerareen dhulka boqortooyada.