Somali News

Ismaaciil Buubaa “Soomaaliya kalama maaranto”

Wasiirkii hore ee arrimaha dibedda ee Soomaaliya Dr Ismaaciil Hurre Buubaa ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed in aysan si naba u kala go’i karin.

Ismaaciil hurre ayaa wareysi uu bixiyay ku sheegay in uu aaminsanyahay umadda Soomaaliyeed ee ku kala nool geeska Afrika in aysan kala maarmeyn.

“Qofkii igu nacaya iyo kii ka naxaya, Soomaaliya ma kala go’i karto, haddii aynnu doonayno nolol tan dhaanta in aan ku noolaano waa in la midoobo” ayuu yiri Ismaaciil Hurre Buubaa.

Isagoo sii hadlaya ayuu muujiyay in masiirka Soomaalida geeska Afrika in ay yeelan karaan maamulo balse uusan guureyn jinsiga Soomaalinimada.

Buubaa ayaa sanadihii dambe ku noolaa Magaalada Hargeysa, wuxuuna xubin ka yahay xisbiga mucaaradka ee Wadani.