Somali News

Israel iyo Xamaas oo gaaray heshiis xabad joojin ku meel gaar ah

Israa’iil iyo Ururka Xamaas ayaa gaaray heshiiska xabbad joojinta ku meel gaadhka ah oo ka dhaqan gali doona Qaza.

Ururka Falastiiniyiinta ee Xamaas ayaa xaqiijisay in xabad joojinta ku meel gaadhka ah ee labada dhinac ay socon doonto afar maalmood.

War qoraal ah oo ay Xamaas la wadaagtay Telegram, waxay ku sheegtay in tani ay ka dhigan in Israa’iil ayaa joojin doonta dhaq-dhaqaaqyada militari ee ay ka waddo dhammaan deegaannada Marinka Gaza.

Sidoo kale, waxaa la filayaa in la sii daayo qaar kamid ah Maxaabiista ay Xamaas ka hayaan Israel.

Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Netanyahu ayaa la kulmay toddobaadyo cadaadis ah oo kaga imanayay shacabka Israa’iil, gaar ahaan qoysaska maxaabiista ee lagu hayo deegaanka la duqeeyay.