Somali News

Israel oo sii daysay tiro Maxaabiis Falastiiniyiin ah

Waaxda xabsiyada Israa’iil ayaa xaqiijisay sii deynta 39 maxbuus oo Falastiini ah.

Dadkan ayaa lagu siidaayey heshiis is waydaarsi 14 qof oo Israa’iili ah iyo saddex ajaaniib ah oo maanta laga soo daayey Qaza maalinkii saddexaad iyo qaybtii saddexaad ee xabbad joojinta afarta maalmood ah ee ay gaareen Xamaas iyo Israa’iil.