Somali News

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika oo aan maanta Soomin

Koonfur Afrika-KNN-Iyadoo inta badan dunida Islaamka Maanta ay u tahay maalinta koowaad ee bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa maanta waxaa soomin jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afika.

Goolaha culimada dalkaas oo magacooda loo soo gaabsha MJC iyo golaha Culimada Soomaaliyeed ee dalka Koonfur Afrika ee Al-Bayaan ayaa waxey si wada jir ah u sheegeen in aysan maanta Soon aheyn.

Sheikh Bahju-diin Maxamed oo ka mid ah madaxda Al-Bayaan ayaa jaaliyadda Soomaaliyeed u xaqiijiyay in aan bisha barakeysan laga arkin dalka Koonfur Afrika, sidaas darteedna ayey Al-Bayaan iyo MJC si wada jir ah waxa ay ugu dhawaaqeen in maalinta Talaadada ee biri ay tahay maalinta koowaad ee bisha Ramadaan.