Somali News

Jabdaha ONLF oo maanta shaacisay xisbi siyaasadeed.

Jigjiga-KNN-Jabhada la magac baxday ONLF ayaa maanta magaalada Jigjiga ee xarunta u ah is-maamulka dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya kaga dhawaaqay xisbi syasaadedeed.

Cabadiraxmaan Maxamed Shiikh Mahdi oo ah xoghayaha jabhada ONF ayaa maanta warbaahinta uu shir jaraa’id ugu qabtay, waxaa uuna sheegay in ONLF ay markii horeba xisbi syaasadeed aheyd hadana ay dib jabhada ugu dhigeyn xisbi ka qeyb qaata doorashada dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Jabhada ONLF ayaa horay waxaa ay dagaal adag kula jirtay Dowlada Itoobiya.

Hayeeshee tan iyo markii uu xilka la wareegay R/Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa wax weyn ka badeladay siyaasada lagula dhaqmi jiray jabhada ONLF.