Somali News

Japan oo sanad ku dartay Howlgalkeedii la dagaalanka Burcad badeeda Somalia

Xukuumada Japan ayaa go’aansatay inay kordhiso howlgalka ciidamada ee la dagaalanka burcad badeeda ee ku sugan Xeebaha Somalia.

Japan ayaa u soo dirtay xeebaha Somalia Maraakiib iyo diyaarado dagaal oo waardiye ka qabanaya doomaha iyo maraakiibta ganacsi ee xeebaha gobolka ku socdaalaya, si ay uga ilaaliyaan weeraro suurta gal ah inuu uga yimaad kooxda Burcad Badeeda Somaaliya.

Iyadoo la raacayo sharciga la dagaalanka burcad badeda ee la gaaray 2009 ayaa howlgalka ciidamada Japan ee ku sugan xeebaha Somalia waxa uu ku egyahay maalinta Khamiista ah ee Todobaadkaani waxaana hadda lagu kordhiyay mudo sanad ah.

Qaraarkaan waqti kordhinta ayaa yimid fadhigii saakay ay yeesheen Golaha Wasiirada Japan.

https://www3.nhk.or.jp/nhkworld/en/news/20201110_18/