Somali News

Jarmalka: Go’aanka lagu ansixiyay muddo kordhinta wuxuu halis ku yahay amniga

Dowladda Jarmalka ayaa si adag uga hortimid muddo kordhinta Golaha Shacabka u sameeyay hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya.

Safaarada Jarmalka ee Soomaaliya oo qoraal kooban ku daabacday barteeda Twitter ka ayaa waxaa lagu sheegay in qaraarka lagu ansixiyay muddo kordhinta hay’adaha dowladda Soomaaliya uu yahay go’aan halis ku ah amniga iyo xasiloonida dalka.

Jarmalka ayaa  madaxda Soomaalida ugu baaqay inay dib ugu laabtaan miiska wadahadalka si heshiis looga gaaro khilaafka harreeyay hannaanka doorashada ee Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa dhaleeceysay go’aankii ay Golaha Shacabka Soomaaliya muddo labo sano ah ugu kordhiyeen dowladda Soomaaliya.

Midowga Yurub, Mareykanka iyo UK ayaa ka digay cawaaqib xumada ka dhalan karta go’aankan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa xaley saxeexay sharciga gaarka ah ee muddada loogu kordhiyay dowladda.