Somali News

Jeneraal Galaal oo lagu dilay weerarka ka socda Hotelka Afriik

Muqdisho-KNN-War hada nasoo gaaray waxa uu sheegayaa in Jeneraal Maxamed Nuur Galaal lagu dilay weerarka weli socda Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho.

Allaha u naxariistee sarkaalkan ayaa ka mid ahaa dadkii galabta ku jiray Hotelka markii ay gudaha u galeen koox aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab, kuwaas oo weli ka dagaalamaya gudaha Hotelka.

Siyaasiyiinta durba ka hadashay dilka Jeneraal Galaal waxaa ka mid ah Xildhibaan Mahad Salaad oo bartiisa Facebook ku soo qoray, “Gen Maxamed Nuur Galaal Allaha u naxariisto. Ehalada iyo asxaabtana samir iimaan Allaha ka siiyoo. Aamiin.”