Somali News

Joe Biden oo aad ugu dhaleeceeyey Trump gefkii uu u geystay Soomaalida

Musharaxa madaxweynaha Mareykanaka Joe Biden iyo Madaxweynaha talada dalkaas haya Donald Trump ayaa wada ololohoodii ugu dambeeyay ee doorashada soo socota, iyagoo is dhaafsanaya hadallo ad adag oo aysan waxba iskula harin.

Joe Biden ayaa booqday gobolka Minnesota oo ay ku badan yihiin soogalootiga waxuuna halkaasi ka jeediyay khudbad 22 daqiiqo soconeysay oo ay ka mid ahaayeen hadallo uu ku dhaleeceynayey nacaybka madaxweyne Trump.

Haatan Biden ayay suuragal tahay inay maalmo uun uga harsantahay inuu noqdo madaxweynaha 46-aad ee dalka Mareykanka.

Joe Biden ayaa sheegay in Trump uu ku f ashilmay xakameynta fayraska Corona oo kama uusan fakarin badbaadinta dadka reer Mareykan. “Waa khalad in Donald Trump uu mar kasta Soomaalida ku tilmaamo argagixiso” ayuu yiri.

“Waa sababta Trump uu ugu ceeybeysan yahay inuu Soomaali qaxooti ah oo nolol wanaagsan soo raadsaday ku tilmaamo dad argagixiso ah. Waxaan u baahanahay madaxweyne dadka isu keena ee uma baahnin mid na sii kala qeybiy” ayuu yiri masharax madaxweyne Joe Biden.

Waxaa durbadiiba hadalkiisa soo dhex-galay qaar ka mid ah taageerayaasha Trump, balse waxa uu Biden yiri, “Dadkan qeylinaya ma ahan dad deggan oo xushmad leh, waa sida Trump oo kale.”

Madaxweyne Trump ayaa Minnesota 4 sanadood ka hor ku guul dareeystay 44,000 oo cod waana mid ka mid ah gobollada uu sanadkan doonaya inuu ka helo taageerayaal u janjeera dhanka xisbiga Republican-ka.