Somali News

Biden oo booqday Gobol lagu dilay ardey

Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden iyo xaaskiisa Jill ayaa Axadii ah booqday magaalada Uvalde ee gobolka Texas si ay beer nugeyl ugu muujiyaan xigtadii iyo dadkii ka badbaaday toogasho-wadareedkii u dambeysay ee dalka Maraykanka ka dhacda. Dhacdadaas oo toddobaadkii hore dhacay ayaa waxa ku dhintay 19 caruur iskuuley ah iyo labo macallin.

Reer Biden ayaa socod ku ag maray ubaxyo lagu maamuusayey dhibanayaasha meel ka baxsan dugsiga hoose ee Robb, iyaga oo mar mar joogsanayey si ay u taabtaan sawirada 21kii dhibbane oo meesha ku dhaganaa, magacyadoodana akhrinayey.

Xilli ay reer Biden tacsidaas gudbinayeen ayaa Wasaaradda Caddaaladda ee Maraykanku ay shaaca ka rogtay in, ka dib codsi uga yimid duqa magaalada Uvalde, Don McLaughlin, ay dib u eegis ku sameyn doonto sidii booliisku uu uga jawaabay dhacdadii Talaadadii iskuulka ka dhacday. Wasaaradda ayaa sheegtay in la “eegi doono darsiga laga bartay iyo sida ugu wanaagsan ee dadka gurmadka ah loogu diyaarin karo sidii ay uga jawaabi lahaayeen markii qof hub wataa uu weerar soo qaado.”