Somali News

Jubbaland oo war ka soo saartay dilkii Kismaayo loogu geystay madaxii shirkadda Amal

Muqdisho-KNN-Jubbaland ayaa waxa ay ka hadashay dilkii Magaalada Kismayo ee xarunta maamulkaasi loogu geystay 26-kii bishan aynu ku jirno ee October , maamulihii Bankiga Amal ee Magaalada Kismaayo Marxuum Cabdullaahi Cabdisalaan Sheekh Axmed (Shigshigow).

War saxaafadeedka ka soo baxay maamulka Jubbaland ayaa waxaa loogu tacsiyadeeday eheladii, asxaabtii, carruurtiisa iyo dhammaan bulshada reer Jubbaland ee uu ka dhintay Marxuumka la dilay.

Waxaa lagu sheegay sidoo kale in Golaha Amniga dawlad goboleedka Jubbaland ay shir deg deg ah yeesheen, kaas oo uu shir guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland, waxaana looga arrinsanayay dilkii marxuum Cabdullaahi Cabdisalaan Shiikh Axmed loogu gaystay Kismaayo.

Golaha ayaa amar ku siiyay hay’adaha Amniga Jubbaland in ay sida ugu dhaqsaha badan ay ku soo cadeeyaan raadka dhacdadaas, sida ku xusan war saxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa lagu amray in cid kasta oo ku lug yeelata dilkan sida ugu dhaqsiyaha badan loo horkeeno sharciga.

Hoos Ka Akhriso War Saxaafadeedka Oo Dhammeystiran:-