Somali News

Jubbaland oo War-saxaafadeed kasoo saartay xariga Wasiir Janan.

Kismaayo-KNN-Guddiga amniga Jubbaland oo maanta shir isugu yimid magaalada Kismaayo ayaa kulankooda uga arinsaday xarigii Muqdisho loogu geystay Wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan.

War-saxaafadeed laga soo saaray kulankii guddiga amniga jubbaland ayaa lagu sheegay in Jubbaland ay walaac weyn ka qabto nolasha, badqabka iyo amaanka Wasiirkoodii amniga Cabdirashiid Xassan Cabdinuur Janan.

Jubbaland ayaa Hey’adaha garsoorka dowladda dhexe iyo Jubbaland waxa ay ka dalbatay inay soo fara galiyaan xariga lagula kacay wasiirka, iyadoo cid kasta oo ku lug leh xarigiisa ka dalbatay inay wasiir Janan dib ugu celiyaan xoriyadiisa.

Hoos ka akhriso War-saxaafadeedka.