Somali News

Kalfadhiga Aqalka sare oo maanta la soo xiray.

Muqdisho-KNN-Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa galabta soo xiray Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare kadib wareegto ka soo baxday xafiiska Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Wareegtada ka soo baxday Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in la soo xiray Kalfadhiga 4aad maanta oo ay taariikhda ku beegan tahay 10ka bishaa Jannawari ee sanadka 2019. Sidoo kale fasaxa Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa la ogeysiiyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Wareegtada ka soo baxday Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa lagu sheegay in Kalfadhiga 5aad ee Aqalka Sare uu furmi doono 10ka bisha Maarso ee sanadkaan. Dhamaan Xubnaha Senatorada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in la soo xiray Kalfadhiga 4aad kadib markii lagu go’aamiyay Kulankii Gudiga Joogtada ee Aqalka Sare ee dhacay 5tii bishaan January ee sanadka 2019.

Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shaqeynayay wax ka yar 3 bil oo kaliya waxa uuna xeer hoosaadka ku cad iney shaqeeyaan 4 bil Kalfadhi kasta. 15kii bishii tobanaad ee sanadka 2018 ayaa la furay Kalfadhiga 4aad ee Aqalka Sare waxa uuna muddo bil ah ka dambeeyay Kalfadhiga Golaha shacabka oo la furay 10kii bishii September ee 2018.