Somali News

Kanada oo soo soortay sharci ay shacabkeeda ku kala qeybsameen

Dowladda Kanada ayaa shalay soo saartay sharci ay ku dhaqangelinayso “joojin heer qaran ah” oo ku saabsan iibinta iyo gadashada qoryaha gacmeed taas oo qayb ka ah sharci lagu xakamaynayo hubka kaas oo sidoo kale xaddidi doona tirada qasnadaha uu hal qof haysan karo isla markaana mamnuuci doonta qaar ka mid ah alaabta lagu ciyaaro ee u eg qoryaha.

Sharciga cusub, oo dib u soo nooleynaya qaar ka mid ah tallaabooyinka la qaaday sanadkii hore iyada oo lagu jiro doorasho qaran, ayaa imanaya toddobaad uun ka dib markii nin hubaysan uu gobolka Texas 19 carruur ah iyo laba macallin ku dilay iyagoo kujira gudaha fasalkooda.

Raiisel wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa u sheegay saxafiyiinta in talaabooyinka cusub loo baahan yahay maadaama ay kordheen rabshadaha hubka .