Somali News

Kenya oo hoggaamin doonto Dalalka ku bahoobay Bariga Afrika

Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta ayaa loo doortay in uu noqdo Gudoomiyaha cusub ee Ururka Bariga Afrika ee marka lasoo gaabiyo loo yaqaano (EAC).

Uhuru waxaa la doortay intii lagu gudajiray shir madaxeedka 21aad ee ee Bariga Afrika.

Dalalka qaybta ka ah bariga afrika(EAC) waxay kala yihiin Tanzania, Kenya, Uganda, Ruwanda, Burundi iyo Koonfuurta Suudan.

Kenyatta wuxuu xilka kala wareegayaa dhigiisa Ruwanda ee waqtigiisu ee Paul Kagame oo la wareegay hoggaanka bishii Febraayo 2019.