Somali News

Kenya oo isku dayaysa inay wada hadal ku dhamayso kiiska Badda ee kala dhexeya Soomaaliya

Dawlada Kenya ayaa isku dayaysa inay wada hadal ku dhamayso kiiska ay ku doonayso inay ku qaadato badda Soomaaliya ka hor inta aan la furin dhagaysiga kiiskaan oo loo balansanyahay 4,ta bisha November ee sanadkaan.

Wasiirka arrimaha dibbadda Kenya Monika Juma ayaa sheegtay kadib shir jaa’id oo ay ku qabatay magaalada Nairobi inay doonayso inay wada hadal ku dhamayso kiiska badda ee hadda hor yaala maxkamada cadaaladda adduunka.

Monika waxaa ay sheegtay inay aad u danaynayaan in la furo waji kale oo
arrintaan lagu xalin karo ka hor inta aan la gaarin waqtiga ay qabatay
maxkamada cadaaladda adduunka.

Monika Juma waxaa ay hadalkeeda ku sheegtay inay doonayaan in dib loo dhigo kiiska badda oo ay Soomaaliya ka dhaadhiciyaan inay aqbasho in wada hadal lagu dhameeyo xaaladda taagan.

“Waxaa macquul ah in wada hadal waji ka waji ah aanu yeelano anaga iyo Soomaaliya si arrintaan u dhamayno” ayay tiri wasiirka arrimaha dibbadda
Kenya.

Q,M, Midawga Afrika iyo urur goboleedka IGAD ayay sheegtay inay aad u door bidayso inay arrintaan dhameeyaan ka hor maxkamada.

“Arrintaan macnaheedu ma aha kaluun iyo hydorojiin ee waa arrin sidoo kale xasaasi ah” ayay sidoo kale Munika Juma oo wasiir arrimo dibaddeed Kenya
ka ah.

Dawlada Soomaaliya ayaa horey u diiday inay gorgortan ka gasho kiiskaan ay Kenya ku doonayso badda Soomaaliya.

Maxkamadda cadaaladda adduunka ayaa qorshuhu yahay inay kiiskaan
dhagaysato inta u dhaxaysa 4 illaa 8 bisha November ee sanadkaan
waxaana dib loogu dhigay kadib codsi ka yimid dawlada Kenya.

Dawlada Kenya ayaa hadda haysata wax ka yar 50 cisho inay ku diyaarsato
qareeno u dooda marka maxkamada la tago.