Somali News

Kenya oo Soomaaliya kula dagaalmeysa warbaahinta iyo miinooyin ay ku aastay xadka labada dal.

Muqdisho-KNN-Dowladda Kenya ayaa markan u muuqaneysa in ay duulaan qarsoon ku tahay Soomaaliya xilli ay taagantahay xiisadda labada dal ee markii horeba ka dhalatay damaca ay Kenya ku rabto Qeyb kamid ah Badda Soomaaliya.

Isku dirka qabaa’ilada Soomalaiyed, fafinta warar ben abuur ah, Miinooyin ku asida xadka labada dal, cabsi gelinta Soomaalida dalkeeda ku nool iyo qaabab kale ayay Todobaadyadii ugu danbeeyay Kenya ku dagaalameysa.

Waxay warbaahinta Kenya mudooyinki danbe noqotay kanaalka ay dowladda dalkaasi kula daaglanto shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Waxay baahiyeen warar aad u culus hadii ay jiri karaan balse baaris dheer kadib noqday kuwo been abuur ah.

warbaahinta Kenya haba ugu badnaadeen Waregeysyada lagu faafiyo Internetka sida The Naiton iyo The Stndard waxaana lagu baahiyay warar badan oo Soomaaliya la xiriiara kuwaas oo aan markii danbe yeelan wax sal iyo raad ah.

Waxaa kamid ah warar loogu gafay Qoyska Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo oo lagu sheegay in malaayiin lacag ah iyo nin kun ehel ah Madaxweyne Farmaajo ay ku qabteen Garoonka Nairobi ee Jomo Kenyata.

Waxay warar isku dir ah ka qoreen qabaa’ilada Soomaaliyeed oo xitaa ay qaar ku sheegeen in laga hortagaanyahay talada dalka ,

Qabaalilada Soomaalida ee dega Gobolada ay maamausho Kenya ee waqooyi bari dalkaas ayay sidoo kale ka faafiyaan warar noqon kara isku dir  oo ay qaar ku sheegaan in ay badi la shaqeeyan Al-shabaab.

Dagaal hoose ayay sidoo kale Keyatigu ku wadaan in badan oo kamid ah buslahada Soomaaliyeed ee dalkasi ku nool, ha noqdeen kuwa qaxootiga ah iyo kuwa ku ganacsada ahba.

Wararki ugu danbeeyay ee been abuurka Kenya ah waxaa kamid ah in ay sheegeen in Madaxweynayasha labada dal ee Soomaaliya iyo Kneya lagu dhex dhexadinayo dalka Itoobiya taas oo maalmo la hadal hayay, kadibna  waxaa gabi ahanba beeniyay Wasiirka Airmaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad.