Somali News

Kenya oo war ka soo saartay diyaaradeedii militeriga ee ku dhacday Dhoobley

Nairobi-KNN-Dowladda Kenya ayaa goor dhowayd faafaahin ka bixisay diyaarad shalay shil ku gashay garoonka diyaaradaha ee degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

War-saxaafadeed goor dhow kasoo baxay militeriga Kenya ayaa lagu sheegay in diyaarad nooceedu yahay Harbin Y-12 oo ay leeyihiin ciidamada cirka Kenya ay shil ku gashay garoonka Dhoobley, iyadoo xilligaasi usoo duulaysay magaalada Nairobi.

Kenya waxay sheegtay in dhammaan 10-kii qof ee saarnaa dyaaraddaasi oo ka tirsanaa milatariga ay xaaladdoodu deggan tahay, ayna ku jiraan cisbitaalka military oo ku yaalla magaalada Nairobi.

Shilkan ayaa dhacay 3-dii bishan Agoosto ee shalay. Waxayna Kenya warbixintan intaasi ku dartay in koox baarayaal ah ay xilligan ku sugan yihiin magaalada Dhoobley si ay shilkaasi uga gun gaaraan.