Somali News

Khasaare ka dhashay qarax ismiidamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho-KNN-Ugu yaraan 7 ruux ayaa ku dhintay 10 kalane waa ay ku dhaawacmeen qarax uu fuliyay ruux xirnaa wax yaabaha qaraxa oo isku qarxiyay makhaayada Jalaato Devino oo ku taal  wadada gasha garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.

Agaasimaha Aamin Ambalaas Dr Cabduqaadir Xaaji ayaa sheegay in qaraxa inta la ogyahayihii ay ku geeriyoodeen 7 qof, ila 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Dad goob-joogayaal ayaa KNN u sheegay in qaraxa uu fuliyay nin xirnaa wax yaabaha qarxa isla markaana uu isku qarxiyay gudaha makhaayada.qofka is ayaa sida la sheegay ahaa ruux da’ahaan wayn.

Xilliga uu qaraxa dhacay waxaa goobta ku sugnaa dad badan oo u soo fiidsi tagey makhaayada, waxaana u badnaa dhalinyaro.

Laamaha ammaanka wali si rasmi ah uga a hadlin qaraxa.

Mana jirto Cid sheegtay mas’uuliyada Qaraxa.

Sawirro