Somali News

Khasaare ka dhashay qarax uu ka badbaaday Agaasimaha Socdaalka iyo Jinsiyadda

Muqdisho-KNN-Warar hor dhac ah ayaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax caawa ka dhacay agagaarka isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa la sheegay in lala beegsaday kolonyo gaadiid ah oo uu watay Agaasimaha hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Koofi.

Agaasime Koofi ayaa ka badbaaday qaraxaas, waxaana inta la xaqiijiyey ku geeriyootay laba qof oo mid askari ahaa, midna qof shacab ah oo wadada iska maraayey, sida ay noo sheegeen saraakiil ka tirsan laamaha ammaanka.

Illaa hadda ma cada nooca uu ahaa qaraxaas, waxayna wararkii u dambeeyey sheegayaan, inuu ahaa mid la dhigay wadada dhinaceeda, balse weli faahfaahin rasmi ah kama bixin laamaha ammaanka dowladda Soomaaliya.