Somali News

Khasaare ka Dhashay Shil Tareen oo ka dhacay Dalka Pakistaan.

Muqdisho-KNN-Ku dhawaad 10 ruux ayaa dhimatay kadib shil tareen oo kadhacay magaalada Rahim Yar Khan ee ku taala dalka Pakistaan.

Shilka oo dhacay galinkii hore ee saakay ayaa Boolisku waxa ay sheegayaan in sidoo kale uu dhaawac kasoo gaaray inkabadan 70 ruux oo ahaa rakaabkii tareenka.

Kooxaha qaabilsan gurmadka deg dega ah ayaa lageeyay goobta uu shilku ka dhacay sida ay ku waramayaan warbaahinta maxaliga ah.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday Isbitaalka dowlada ee magaalada Rahim Yar Khan waxaana sidaasi warfidiyeenada u sheegay mas’uuliyiinta Isbitaalka.

Sagaal ka mid ah dadka dhintay ayaa sidoo kale lageeyay isbitaal ay dowladu leedahay iyadoona inkabadan 60 ruux oo shilkaasi ku dhaawacmay’na lageeyay halkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha dalka Pakistaan Cimraan Khaan ayaa tacsi u diray ehelada dadka ku dhintay shilka tareen isagoona sidoo kale amaray in baaritaano lagu sameeyo waxa sababay shilka.