Somali News

Khasaare ka dhashay weerar ay Xisballah ku qaadeen Waqooyiga Israa’iil

Ururka Hezbollah ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerar lagu qaaday ciidamada Israa’iil meel u dhow saldhigga Doviv ee waqooyiga Israa’iil.

Kooxda Xisbullah ee fadhigeedu yahay dalka Lubnaan ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in weerarka la beegsadeen cutubyo ka tirsan Sirdoonka Israel, kuwaasi oo diyaarinayay howlgal.

Sidoo kale, Ururka Xisbullah ayaa sheegay in ay khasaare xooggan gaarseeyeen Askarta Israel, walow wali Militeriga Israel uusan ka hadlin dhacdadan.

Israa’iil iyo Ururka Xisbullah ayaa maalmihii la so dhaafay is weedaarsaday gantaallo iyo madaafiic, waxaana ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo labada dhinac soo gaaray.