Somali News

Khayre oo Muqdisho kusoo laabtay

Muqdisho-KNN-Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa dalka dib ugu soo laabtay, kadib dhowr maalmood uu safar ku joogay dalka Suudaan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa Magaalada Khartuum waxa uu kaga qeybgalay shirka urur goboleedka IGAD, ee ka dhacay Suudaan.

Shirkii IGAD ayaa waxaa diiradda lagu saaray arimaha dalka Koofurta Suudaan, heshiis ayayna labada dhinac kala saxiixdeen, waa madaxda hogaamisa dalka ay colaaduhu  la dageen ee Koofurta Suudan.