Somali News

Kheyre oo balan qaaday in uu dhisi doono Garoon loogu Magac daray halyey Soomaaliyeed

Gaalkacyo-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo la hadlay qaar ka mid ah dhallinyarada magaalada Gaalkacyo ayaa sheegay in uu ballan qaadayo in dowladdu ay wax ka qaybaneyso baahiyaha garoonka kubbadda cagta ee magaalada Gaalkacyo.

Garoonka kubdda Cagta ee magaalada Gaalkacyo, ayuu Kheyre sheegay in magaciisa lagu maamuusay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Ciise, oo ka mid ahaa halgamayaashii dhaliyay xornimada dalka.

“Garoonka waxaa loogu magac daray halyay Soomaaliyeed. Hadii dadka xornimada dhaliyay aan qiimeyn wayno macnaheedu wax ay tahay in dalka aan qiimeyn waynay, marka waa muhiim meesha Allaha u naxariistee Cabdullaahi Ciise uu ku magacaabanyahay in la qurxiyo oo la wayneeyo”, ayuu yiri Xasan Cali Khayre oo haatan Gaalkacyo ku sugan.

Kheyre ayaa intii uu hadalkaan ka jeedinayey Goroonka Kubadda Cagta ee loogu magac daray Cabdullahi Ciise, waxa uu reer Gaalkacyo kula taliyey in aysan sugin oo kaliya in ay dowladdu wax u dhisto, balse ay iyagu isku howlaan sidii ay wax u qabsa lahaayeen.