Somali News

Kheyre oo booqday ciidamo loo diyaariyay dagaalka Al-shabaab

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), Xasan Cali Khayre oo xerada tababarka Gen. Gordan iyo Kuliyadda Jaalla Siyaad ku booqday ciidamo ka tirsan xoogga dalka oo loo diyaarinayo howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab, ayaa sheegay in dowladdu dardar gelineyso tayeynta, qalabeynta iyo dib-u-habeynta ciidamada qalabka sida.

Ciidamada, macallimiinta iyo saraakiisha hoggaamisa ayuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahad-celiyay dadaalladooda naf-hurnimada ah ee ay ku badbaadinayaan dhiigga iyo hantida ummadda Soomaaliyeed, waxa uuna kula dardaarmay in ay dowr firfircnoon ka qaataan howl-gallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo ciidanka ugu tegay ku dhiiri-gelinta shaqada ay qaranka u hayaan, in uu ogaado baahida qalab ee ay qabaan iyo in uu la dardaarmo, ayaa ciidamada u caddeeyay in dowladdu muhiimadda koowaad siineyso bixinta iyo hagaajinta xuquuqda ciidanku ay ku leeyihiin qaranka Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya oo ciidanka ku samaysay dib-u-habayn ballaaran ayaa wada qorsho dagaal oo ka dhan ah  dagaalamayaasha Al-Shabaab.