Somali News

Kheyre oo booqday wasaarado ka tirsan xukuumadiisa

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaarahaha Haweenka, warfaafinta iyo kalluumeysiga iyo dekadda Muqdisho, si uu ugu kuur galo hannaanka ay u socdaan shaqooyinka ay qaranka u hayaan.

Sedaxda wasaaradood ee Ra’iisul Wasaaruhu kormeeray, ayuu ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, waxa uuna ka xog wareystay xaaladda shaqo, isaga oo kula dardaarmay in ay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre oo sidoo kale kormeeyay dekadda Muqdisho, ayaa Maamulka dekadda iyo taliska Booliiska dekadda ka xog wareystay shaqada, caqabadaha la soo gudboonaada iyo qorshayaasha horumarinayo dekadda, si sare loogu qaado adeegyada ay bulshada Soomaaliyeed u heyso.

Kormeerka Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khare, ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka si sare loogu qaado isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta, loogana dhabeeyo himilooyinka ummadda Soomaaliyeed.