Somali News

Kheyre oo maanta Ku laabtay Dhuusamareeb

Muqdisho-KNN-Ra’iisul Wasaaraha Dowlada Federalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareb ee Gobalka Galgaduud.

Wafdiga oo maalmahaan ku sugnaa Magalada Gaalkacyo oo markii hore safar dhulka ah uu ku tegay ayaa Maanta diyaarad kasoo raacay Gaalkacyo, iyaga oo ku tegay Magaalada Dhuusamareeb.

Garoonka Diyaaradaha Magalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kusoo dhaweeyay Madaxa Xukumadda Maamulka Galmudug Maxamed Shaakir Cali Xasan,Wasiir dowlaha Arimaha Gudaha Dowlada federal,Wasiiro iyo Xildhibaano katirsan Galmudug iyo qeybaha kala duwan ee Reer Dhuusamareeb.