Somali News

Kheyrre oo maanta kormeeray Bangiga dhexe iyo meelo kale

Muqdisho-KNN-Reysal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyrre ayaa maanta kormeeray Bangiga dhexe, Wasaaradda Maaliyadda, Tiyaatarka Qaranka iyo meelo kale, waxa uuna kulamo la qaatay qaar ka mid ah masuuliyiinta goobihii uu booqday.

Xasan Cali Kheyrre ayaa kulan gaar ah la qaatay Guddoonka Bangiga dhexe ee Soomaaliya iyo Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle. Kheyrre ayaa maamulka Bangiga dhexe wax ka weydiiyay shaqada Bangiga dhexe iyo hadii ay jiraan caqabado ku hor gudban shaqada.