Somali News

Khilaaf culus oo ka dhashay shaqo joojin lagu sameeyey guddoomiyaha Beledweyne

Beledweyne-KNN-Guddoomiyaha magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan Cismaan Dhicisoow ayaa si adag uga soo horjeestay shaqo joojin uu ku sameeyey guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Guddoomiye Cismaan Dhicisoow oo galabta Beledweyne kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay sharci darro tahay shaqo joojinta uu ku sameeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte.

Cismaan Dhicisoow ayaa sheegay in Cali Jeyte uusan shaqada ka joojin karin, maadama hal meel laga soo wada magacaabay, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Dhowr jeer ayaa cabasho ka dhan ah Cali Jeyte u gudbiyay madaxda Hirshabeelle taaso la xiriirtay musuqmaasuqa guddoomiyaha maamulka Hiiraan Cali Jeyte, taasi ayaana keentay isku dhaceena iyo inuu shaqo joojin igu sameeyo,” ayuu yiri guddoomiye Dhuuboow

Guddoomiyaha degmada Baledweyne ayaa si toos ah ugu eedeyay guddoomiyaha gobolka Hiiraan, inuu musuq maasuqay qalab gargaar ah oo loo keenay beeraleyda reer Baledweyne.