Somali News

Khilaaf la taagan dhismaha xarunta degmada Yaaqshid ee Muqdisho.

Waxaa khilaaf uu kataagan yahay dhismaha mudada dheer ku socda xarunta degmada yaaqshiid ee gobolka banaadir kaasi oo dhowr jeer hakad uu galay dhismihi ku socday ,

Xarunta degmadaasiYaaqshiid ayaa bur bur ku yimid waxaana dib u dhiska lagu bilaabay horaanti sanadkii hore ee 2018 iyadoo inta uu dhismaha ku socda ay degmadu mareyso gudoomiyihii sadexaad ee ka taliya.

Maalmihi la soo dhaafay waxa soo shaac baxay khilaaf ka taagan dhismaha xarunta degmadaasi yaashiid kaasi oo siyaabo kala duwan faah faahin looga bixiyay.

Markii hore wxaaa jiray Mas’uul u hadlay shirkada gacanta ku heysa dhismaha xaruntaasi oo sheegay in ay shaqada ka wadi waayeen oo uu ka joojiyay maamulka degmada Yaaqshid , waxaase la sheegayaa hadda in khilaafka uu yahay mid u dhaxeeya xubnaha shirkada dhismaha wada ,

Cabdi Wali Axmed Aweys oo kamdi ah masuuliyinta shrkadda dhiseysa xarunta degmada yaaqshiid ayaa KNN u shegay maanta in uusan jirin warka sheegaya in mamaulka degmaad uu ka jojiyay shaqada isago intaa ku daray in caqabado iyaga heysta ay xiligan hakad ugu jirto sidoo kale baaq ayuu u diray maamulka gobolka Banaadir iyo kan degmadaasi Yaaqshiid.