Somali News

Khilaaf la xiriira doorashada Puntland oo mar kale soo cusboonaday

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in markale khilaaf la xirira Doorashada uu ka soo cusboonday Puntland, kaasi oo u dhexeeya Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweyne ku xigeenka Axmed Karaash.

Ilo xog ogaal ayaa sheegaya in Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Karaash uu ka horyimid qorshe Madaxweyne Deni ku doonayo in lagu soo doorto Xildhibaannada ka soo jeeda maamulka SSC Khaatumo ooh ore u sheegay in aysan qeyb ka aheyn Doorashada.

Sidoo kale, Xogta ayaa intaasi ku dareysa in qorshaha la isku khilaafay la xiriiro sidii loo soo saari lahaa Xildhibaanno aan heysan saxiixa Odoyaasha SSC Khaatumo.

Madaxweynaha Puntland ayaa xalay goob uu ku soo bandhigay musharaxnimadiisa waxaa uu ku sheegay in Doorashada Madaxtinimada ay ka qeyb gali doonaan 66 xubnoood ee golaha Wakiilllada Puntland.

Maamulka SSC Khaatumo iyo waxgaradka deegaannadaasi ayaa hore u sheegay in aysan ka qeyb gali doonin doorashada Puntland oo hore ay ugu matali jireen Madaxweyne ku xigeenka Puntland iyo 17 xubnood oo ka tirsana Golaha Wakiilada maamulkaasi.

Dhinaca kale, Mucaraadka Puntland ayaa Madaxweynaha Puntland ku eedeyay in uu doonayo in uu si iskiis ah u qorto 17 xubnood ee golaha wakiilada Puntland ku matali doona deegaannada SSC Khaatumo.

Madaxtooyadda Puntland weli kama hadlin eedaha loo jeedinayo ee la xiriira doorashada golaha wakiilada maamulkaasi.