Somali News

Khilaafka u dhexeeya Talyaaniga iyo Masar oo sii xoogeystay

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga ayaa maanta canbaareyn dusha uga tuurtay waaxda dacwad oogidda guud ee dalka Masar kaddib markii sida ay sheegtay in dacwad lagu soo oogi waayay eedeysaneyaal lagu tuhunsan yahay jir dil iyo dil loo geystay arday u dhashay Talyaaniga.

Ardayda oo lagu magacaabi jiray Giulio Regeni ayaa magaalada Qaahira ee caasimadda u ah dalka Masar lagu dilay sanadkii 2016-kii.

Dowladda talyaaniga ayaa ka cadhootay go’aan Arbacadii shalay kasoo baxay Dacwad oogeyaasha Masar oo lagu sheegay in aan caddeymo ku filan loo heynin maxkamadeynta dadka lagu tuhunsan yahay dilka ardaydaas, sidaas awgeedna aan wax tallaabo ah loo qaadi doonin dadwad soo oogidda.

Bayaan kasoo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda ee xukuumadda Roma ayaa lagu sheegay in go’aanka Masaarida uu yahay “mid aan la aqbali karin”, iyadoo dalbatay in kiiska Regeni la gaadhsiiyo ilaa heer sare oo xitaa uu soo faragaliyo ururka Midowga Yurub.

Horaantii sanadkan ayey dacwad oogeyaasha Talyaaniga shaaciyeen magacyada afar ruux oo la rumeysan yahay in ay ku lug lahaayeen dilka Giulio Regeni.

Xigasho:-BBC