Somali News

Kiisaskii ugu badnaa ee COVID-19 oo saacadihii u dabeeyey laga helay Soomaaliya

Muqdisho-KNN-Soomaaliya ayaa maanta diiwaangelisay 304 qof oo hor leh oo laga helay cudurka Karoona halka iyo 8 qof oo kale ay u dhinteen cudurka.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay in saacadihii u dambeeyay cudurka laga baaray 1,830 qof.

Waxaa maalmihii u dambeeyay si kordhayay tirada dadka u dhimanaya cudurka Covid-19 ee Soomaaliya, sida ku cad xog ay baahisay wasaaradda caafimaadka ee Soomaaliya.

Khubarada caafimaadka ayaa rumaysan in Soomaaliya ay hadda wajahayso mowjaddii labaad ee Covid-19, isla markaana loo baahan yahay in dadka si weyn looga wacyigeliyo khatarta cudurka.