Somali News

Kismaayo: Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab

Kismaayo-KNN-Taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka howl-gala Diomede Ndegeya ayaa waxa uu booqday fadhiga Ciidamada midowga Afrika ay ku leeyihiin magaalada Kismaayo, waxaa uuna ku amaanayay howsha ay ka hayaan deegannadaas.

Saldhigyada uu booqday oo fariisimo u ah ciidamada Kenya  ayaa waxa uu sheegay inay yihiin kuwa ku amaanan kaalinta ay ka qaadanayaan nabad-gelyada iyo xasilliinoda.

Mr. Diomede Ndegeya ayaa sheegay in AMISOM ay ka go’antahay inay sii laba jibbaaraan dadaallada xasilloonida dhinaca nabadda ah loogu raadinayo Soomaaliya, isagoo intaa ku daray inay kor usii qaadayaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Taliyaha ayaa sidoo kale la kulmay madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubbaland, iyagoona ka wadahadlay in la xoojiyo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab