Somali News

Koofur Afrika: Tiro shaqaalaha Macdanta qoda miino la qadaxday

Inta la xaqiijiyay 11 qof oo shaqaale macdanta qoda ayaa ku geeriyooday, 75 kalena waa ay ku dhaawacmeen ka dib markii ay miino goob ay ka soo saarayeen Macdanta oo ku taalla  magaalada Johannesburg ee dalka Koofur Afrika.

Saraakiisha gargaarka deg dega ayaa sheegay in ay godka ka soo saareen dad badan oo dhaawacmay, waxaana lala tacaalaya xaaladooda caafimaad.

Sidoo kale, Saraakiisha Amniga Koofur Afrika oo goobta soo gaaray ayaa sheegay in miinada ay ku qaraxday shaqaalaha xilli ay macdanta qodayeen.